Masaxbaa in Madaxweyne Farmaajo Xilalki Qaranka Ku Billaabay Qaraabadiisa??

Maya Waa Been Iyo Borobagaando, Lagu Jaha Wareerinay Bulshada Soomaliyeed.
1)Dr Fiqi Waa Masuulki Badda Soo Dhiciyay,
Ahaana Safiirki u Fadhiyay Soomaaliya Xarunta Midowga Yurub Ee Brussel.
Qaraabo Miyuu Layahay Madaxweyne Farmaajo Ama Xidid??
Maya Waa Been Abuur Aan Sal iyo Raad laheyn.
2) Xusseen Damuumaaye Wuxuu Ahaa Lataliyihii Xagga Amninga Ee MadaxWeyne Xassan Sheekh Maxamud.
Masaxbaa Inuu Xaaska Madaxweynaha Qaraabo Hoose Layahay??
Maya Waa Been Abuur Wuxuuna Ladhashay, Xassan Macalin Maxamud Guddoomiya Xisbiga Daljir Ahna Xildhibaan Ka tirsan Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.
3)Jeneraal Caanood Wuxuu ahaa Taliyihii Ciidanka ashaamudka Ee ilaalada Madaxtooyada, Waqtigi Sheekh Shariif, Waana Ninki Xoreeyay Degmooyinka Howlwadaag, Wardhiigley, iyo Boondheer, Qabsadayna Suuqa Bakaaraha.
Haddaba Sida muuqata Madaxweynuhu Wuxuu Ku Xulanayaa Dadka Khibraddooda Shaqo.
Marka Hadduu Magacaabay Hawiye Daarood iyo Digil, Dhammaantoodna Aanu Ku Jirin Qof Qaraabo Hoose La ah muxuu Halleeyay??
Mawuxuu Magacaabi lahaa Amxaaro Oromo iyo tigree??


Guntii iyo GabaGabadii Umadda yaan Lajaha Wareerin, Cadawgana Yaan Loo Shaqeyn Si Dadban iyo Si toosa intaba.
Waxaa Dhab ah In Madaxweyne Farmaajo hayo Waddadii Saxda Aheyd, marba Hadduu Dadka Kusoo Xulanayo Aqoon iyo Waayo Aragnimo.
Haddii ey jiraan Dambiyo Qaran oo Dadkaani Galeen, Caddeyn Buuxdana Loo hayo hala Soo Bandhigo.

English News
WARARKII