Cali Khaliif Oo Loo Diiday in Deeganada Khaatumo uu Ka Hirgeliyo Heshiiska Soomaaliland


Madaxweynaha maamulka Khatumo Cali Khaliif Galeyr oo dhawaan dalka jabuuti hehsiis kula soo galay maamulka soomaaliland ayaa waxa uu ugu danbeyn shaley dib ugu soo laabtay gobolka sool.

Cali khaliif ayaa diyaaradi siday waxaa laga celiyay garoonka magaalada Buuhoodle waxaan diyaarada ay u weecatay magaalada laascaanood.

Madaxweynaha khaatumo ayaa doonayay in heshiiska uu ka hergeliyo deeganada khaatumo gacanta ay ku heyso balse waxa uu caqabado xoogan kala kulmayaaa siyaasiin iyo saraakiil ka soo jeeda khaatumo kuwaa oo u arka cali in kaligiisa tahashaday.

Warar hoose oo ay heleyso idaacadda Simba ayaa ku waramaya in cali khaliif loo diidan yahay in uu tago deeganada khaatumo arintaana waxaa ka sahqeynaya wasiiro ka tirsan maamulka khaatumo oo laga qadiyay heshiiski jabuuti.

English News
WARARKII