Ciidanka DF oo Dagaal kula wareegay Daar-macalin

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Dagaal kula wareegay Degaanka Daar-macalin oo 30-KM u jira Degmada Bardheere, inta uu socday Howgalka ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay

Degaanka ay la wareegeen Ciidanka Millitariga ayaa ah degaan istiraatiiji ah, waxaana uu isku xiraa degmooyinka Garbahaarey iyo Baardheere oo ka wada tirsan Gobolka Gedo.

Ciidanka Millitariga gaar ahaan Guutada 9-aad ee Millitariga ayaana Howlgalkaasi ka fuliyay, sida ay sheegeen saraakiisha horkaceysay.

Gaashaanle Dhexe Maxamed Cadow Cali (Sanka) ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Millitariga ay kala wareegeen Shabaab degaankaasi, isagoo sidoo kale sheegay in Howlgalkaasi ay ku dileen Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Waxa uu sheegay Gaashaanle Dhexe Maxamed Cadow Cali (Sanka) Howlgalkan in ay ku soo furteen Hub ay Al-shabaab lahaayeen.

English News
WARARKII