Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Kulamo La qaatay Ha’yado Samafal

Sheekh Xuseen Cusmaan cali gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada Gobolka Hiiraan oo la hadlay Idaacadda Simab ee Mgaaalada muqidsho ayaa sheegay in ay haatan wadaan kulamo ay la qaadanayaan ha’yadaha samafalka islamarkaana ay kala hadlayaan kaalinta ay ka qaadan karaan waxkaqabsahda abaaraha ka jiro gobolka Hiiraan.
Gudoomiye ku xigeenka hiiraan ayaa tilmaamay in gobolka ay ka howlgalaan ha’yado badna oo samafal islamarkaana ay dadaak ku bixinayaan sida ay u garab istaagi lahaayen dadka shacabka ee abaaraha ay saameeyeen .

Sheekh Xuseen Cusmaan ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in goboka haatan ay joogaan xildhibaano ka socda Dowladda faderaalka Soomaaliya kuwaa oo u kuurgelaya xaaladda gobolka hiiaan iyo saameynta ay abaaraha reebeen.

English News
WARARKII