Al-Shabaab oo mamnuucday waxbarashada reer Galbeedka

Al Shabaab ayaa xiriir la leh Al QaaciddaAl Shabaab ayaa xiriir la leh Al Qaacidda

Xarakada Al Shabaab ayaa waalidka Soomaaliyeed uga digay in ay carruurta ku daraan Iskuullada iyo Jaamacadaha aan Islaamiga ahayn.

Afhayeenka Al shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage oo soo duubay cajal 26 daqiiqo ah ayaa sheegay in carruurtu ay aadi karaan Iskuulada Islaamiga lagu barto oo kali ah, maadaama oo kuwa kale aysan wanaagsanayn oo sida uu hadalka u dhigay carruurta ku dhaliyaan in ay qiimo layeelato Kiristaannimada iyo in ay u haajiraan reer Galbeedka.

Wuxuu sheegay in cid kaste oo ka qaybqaadata waxbarasho faafinaysa dhaqanka reer Galbeed in ay la kulmi doonaan cawaaqib.

Garabka waxbarashada iyo arrimaha dhallinyarada ee Al Shabaab ayaa bishan horraanteedii soo saaray manhaj cusub oo luuqaddii Ingiriiska ku badalaya Carabi.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Al Shabaab ay isku dayayso in ay carruurta ka hor istaagaan waxbarashada quman, ayna rabaan in ay maskaxda ka badalaan si ay u noqdaan kuwo taabacsan oo aan su’aal ka keenin afkaartooda dagaalka ku dhisan.

Al Shabaab ayaa wali maamusha qaybo badan oo dhulka Soomaaliya ah waxayna weerarro ku qaadaan qaar ka mid ah dalalka ay dariska yihiin.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII