Abaanduulaha Ciidanka xoogga oo kulan la qaatay Maamulka D/Buulo-Burde

0

Guddoomiyaha Degmada Bula Burde Mudane Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa maanta Xafiiskiisa Xarunta Degmada ku qaabilay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa Yuusuf Raage oo howlo shaqo ku jooga Buula Burde.

Abaanduulaha iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay sidii Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee halkaasi ku sugan ay uga qeyb qaadan lahaayeen Xoojinta amniga islamarkaana maamulka iyo bulshada ay ula shaqeyn lahaayeen.

Cabdi Daahir Guure Karoore Guddoomiyaha Maamulka Degmada Bula Burde ayaa abaanduulaha sharaxaad ka siiyay dhibaatada degmada ka jirta ee go’doonka ay ku jirta ah iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay in la isugu furo wadooyinka xiran ee soo gala degmada.

Sidoo kale Guddoomiyaha waxa uu balan qaaday ka maamul ahaan in ay garab istaagayaan ciidamada bulshaduna ay ku wacyigalinayaan xaqiijinta amniga iyo in ay la shaqeeyaan Ciidamada.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here