Al Shabaab oo galabta Shan nin ku toogtay degmada Saakow

0
Maxkamadda Al Shabaab ee ku taalla degmada JSaakow ayaa gelinkii dambe ee maanta xukun dil ah ku fulisay Shan nin oo lagu eedeeyay in ay basaasiin ahaayeen.

Dadweyne la isugu keenay fagaare ku yaalla degmada Saakow ayaa daawanayay qisaasta lagu fuliyay raggan oo lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen sirdoonada Kenya iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegay in raggaan ay qirteen falka lagu soo eedeeyay, islamarkaana xukunkooda uu noqday dil.

Saraakiisha Al Shabaab ee goobta ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in sidan loo tooganayo qof walba oo basaas u noqda hay’adaha sirdoonka reer galbeedka.

Xubnaha la toogtay ayaa Shabaab waxa ay magacyadooda ku kala sheegeen:-

1-Cabdi Raxmaan Xuseen Maxamed
2-Haaruun Cabdi Raxmaan Cumar
3-Caliyoow Jiinoow Nuur
4-Maxamed Yuunus Mad Keer
5-Cabdi Shakuur Xasan Xuseen.

Maalin ka hor ayay aheyd markii sidaan oo kale Al Shabaab ay magaalada Jilib ku dishay illaa 5 ruux oo ay ku eedeysay in ay u basaasayeen sirdoonnada dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here