Al Shabaab Oo La Wareegay Gacan Ku Heynta Deegaan Dhaca Xadka U Dhexeeya Somalia Iyo Kenya.

0

 

 

 

 

 

 

Xarakada Al Shabaaab ayaa sheegay in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Geedweyne ee Gobolka Gedo.

Sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Al Shabaab u sheegay in dagaalyahanadoodu ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Geedweyne, xaaladuna ay tahay mid degan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen boqolaal ka tirsan dagaalayahanada Al-Shabaab oo ku hubeysan hubka fudud iyo garneelada garbaha laga tuuro kuwaas oo ku roondeynayey gudaha iyo hareeraha deegaanka.

Deegaanka Geedweyne ayaa ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Dooloow ee ku dhow xadka u dhexeeya Wadamada Kenya iyo Soomaaliya, Waxaana ku sugnaa saldhigyana ku lahaa Ciidamo taabacsan maamulka Jubbaland.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here