Al-shabaab oo lagala Wareegay Deegaano Ka Tirsan Shabeelada Hoose

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan Gobolka Shabeelada Hoose ayaa maant gaaray deegaanada Mareerey,Sabiible iyo Caanoole halkaasi oo ay horey ugu sugnaayeen Al-shabaab.

Al-Shabaab ayaa lagu soo waramaya in ay faarujiyeen deegaanadaasi markii ay dareemeen culeys militari oo kaga yimid ciidanka Xoogga Dalka oo u taagan sidii shacabka Soomaaliyeed ay uga Difaaci lahaayeen Cadowga Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gaareen deegaandaasi,taasi oo qeyb ka ah howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Shabaab.

Al-shabaab oo deegaanadaasi ku sugnaa  ayaa lagu soo waramaya in ay u kala firxadeeen howdka islamarkaana lagu raad joogo meelihii ay galeena ay ciidamadu uga daba tagayaan meelaha ay Al-shabaab ku dhuumaalaysanayaan.

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII