Al-Shabaab oo mar kale weeraray ciidamada Shiiikh Roobow Abuu Mansuur

Ciidamada Al-shabaab oo mar kale maanta weerar ku qaadey degaanka Abal oo ka tirsan gobolka Bakool, halkaasi oo uu ku sugan yahay Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Al-shabaab ayaa la sheegay in Ciidamo fara badan ay soo dhoobeen degaanka Abal, sidaasina ay weerarka ugu qaadeen Wadaadka, halkaasi waxaa labada dhinac ku dhexmaray Dagaal aad u xoogan.

Dagaalka dhexmaray ururka Al-shabaab iyo Maleeshiyaadka uu wato Sheekh Muqtaar ayaa la sheegay inuu socday mudo saacado ah, kaasi oo ka dhashay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay inay heleen macluumaad ku saabsan dagaalkaasi dhexmaray Shabaab iyo ciidamada Abuu Mansuur khasaaraha ka dhashay inta uu la eeg yahay.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degaankaasi ayaa waxa ay sheegayaan in Shabaabkii weerarka soo qaaday ay dib ugu laabteen degaanka Labaatan Jirow oo markii hore ay ka yimaadeen.

Al-Shabaab, ayaa Arbacadii dagaal culus ku qaaday Deegaanka Abal, oo uu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow Cali, ka dib markii uu ku gacan seyray in uu ururka dib ugu soo laabto. Abal waxay qiyaastii 18km u jirtaa Magaalada Xudur.

Inta la xaqiijiyay Dagaalkii Arbacadii dhexmaray Maleeshiyaadka Sheekh Muqtaar iyo uruka Al-shabaab ayaa waxaa ku dhimatay ku dhowaad 20 Qof oo dhinacyadii dagaalamay ah, sidoo kale Dagaalkaa waxaa Gaari nuuca dagaalka ah looga gubay Abuu Mansuur.

Mareykanka ayaa dhawaan liiska waxa loogu yeero argagixisada wuxuu ka saaray Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ah hadda Sarkaal ka madax Banaan Ururka Al Shabaab.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII