Al-Shabaab oo sheegay in ay dagaal ku dileen wiil uu dhalay Roobow

 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal degaan ka tirsan Gobolka Bakool ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo Maleeshiyaad ka amar qaata Sheekh Muqtaar Roobow oo isku dhinac ah iyo ururka Al-Shabaab.

Dagaalkan oo ahaa mid socday saacado ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay duhurnimadii maanta degaanka Abal oo qiyaastii 20-KM u jira magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Sida ila wareedyo ay inoo sheegeen Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Maleeshiyaad daacad u ah Mukhtaar Roobow ay weerar ku qaadeen Shabaab ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn Abal.

Dadka degaanka ayaa waxa ay Risaala u sheegeen Dagaalka inuu geystay khasaare kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray, inkastoo ilaa hadda aanan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah.

Sidoo kale dadka degaanka ayaa waxa ay Risaala u sheegeen in ay arkayeen Ciidamo hubeysan oo ka kala tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo Ciidamada Itoobiya, watana Gaadiidka Dagaalka oo ku sii socday dhanka dagaalka uu ka dhacay, si ay garab u siiyaan Ciidamada.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen dagaalkaasi in ay ku dileen saraakiil oo uu ka mid yahay C/laahi Mukhtaar Rooboow oo ahaa wiil uu dhalay Abuu Mansuur iyo Taliyihii Abuu Mansuur oo magaciisa lagu soo gaabiyay Manuur Ganeey.

Shabaabka waxay kaloo sheegeen in ay si buuxda ula wareegeen degaanadii maanta ay ka dhaceen dagaalada, waxaanan jirin ilo madax banaan oo xaqiijinaya sida saxda ee ay wax u dhaceen.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Warfaafinta Ugaas Xasan ayaa Idaacadda Risaala u xaqiijiyay in dagaalka uu jiro, balse uusan xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka, dibna ka soo sheegi doonaan wixii soo kordha.

Wararkii ugu dambeeyay ee caawa naga soo gaaraya degaanka Abal ayaa waxay sheegayaan in xaaladda goobihii lagu dagaallamay ay degan tahay, inkastoo markasta la filan karo dagaal kale, maadaama abaabul uu socdo.

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII