Al Shabaab oo sheegtay sideed askari Amisom inay ku dileen qarax ka dhacay Carbiska

0

 

 

 

 

 

 

 

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax dhaliyeay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo shalay gelinkii dambe Ciidamada Amisom  lagula deegaanka Carbiska ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa warar la helayo ay sheegayaan in uu qabsaday mid ka mid ah Gawaarida Ciidamada Amisom, gaar ahaan Gaari Taaw ah, waxaana jira khasaaro kala duwan oo uu sababay qaraxaas.

Shabaab waxa ay sheegteen qaraxaasi inay ku dileen sided askari oo ka tirsan Ciidamada Amisom, balse ma jirto cid madax banaan oo xaqiijinaysa warka ku saabsan geerida askartaasi.

Amisom wali kama hadlin qaraxaasi, balse Warbaahinta Shabaab ayaa ku waramaysa in Ciidamada qaraxa lala eegtay looga dilay sided askari.

Al Shabaab ayaa miinooyinka Qaraxyada ah geliya wadada isku xirta Muqdisho & Afgooye halkasi oo ammaankeeda uu noqday mid faraha ka baxay waayahan dambe.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here