Al-shabaab oo  Xukun Dil ah ku Fuliyay Cusmaan Diini Cali oo 82 jir ahaa Gobolka Sbeelada Hoose

Maxkamad Xarakada Al-shaabab oo kutaal degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa galabta xukun dil ah ku Fuliyay mid kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee soo xulay qaar katirsan Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaliya.

Fagaare kuyaal Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa maanta gelinkii dambe lagu toogtay Cusmaan Diini Cali oo 82 sana jir ahaa islamarkaana kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee xildhibaanada kasoo xulay dhanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ’ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

“Cusmaan Diini Cali waxa uu kamid ahaa ragii soo xulay Xildhibaano ay kamid tahay haweenay magaceeda lagusoo gaabiyay Muno key oo kamid ah baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaliya islamarkaana uu maxkamadda horteeda ka qirtay in uu kamid ahaa odayaashii Maamulka Shariif Xasan Shiikh aadan ee Baydhabo kusoo xulay Xildhibaanada”, sidaa waxaa yiri qaadiga Maxkamadda Al-shabaab degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaar kamid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay lagu hayay beegsi, waxaa bishii Februay aynu kasoo gudubnay la dilay 8-nabadoon.

Qolka jacaylka iyo kaftanka wanaagsan

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII