Alshabab iyo Dowlada oo ku Dagaalamaya shabeelada hoose

0

 

 

ilo wareedyo lagu kalsoonyahay aya inoo sheegay in Urarka Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen saacadihii la soo dhaafay  magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose sidoo kale weerarka ayaa waxaa la sheegay inuu xigay dagaal toos ah oo ka dhacay gudaha magaaladaasi, kaas oo dhex maray ciidanka dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in Al-Shabaab weerar kale ay ku ekeeyeen fariisimo ciidamo AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose sida ay sheegayaan warar aan la xaqeeji karin in dagaalkaasi ay ku dhinteen illaa 10 askari, kuna dhaawaceen 7 kale halka dagaalyanahada alshabab dhinaca kale uu jiro khasaare nafeed .

Labada dhinac aya la sheegay inay is weydaarsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, inkastoo aan la cadeyn karin khasaaraha ka dhashay halkaasi dhanka kale ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dagaalladaasi.

Sikastaba ha ahaate Weeraradan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo socdaal dhinaca cirka ah ay ku tageen magaallo Xeebeedka Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose wali wax war ah kama soo bixin maamulka Magalada marko .

 

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here