AMISOM Oo Sheegtay In Ay Baaritaan Ku Heyso Fal Ciidamadeeda Ay Dad Shacab Ah Ku Laayeen.

0

 

 

 

War ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay in ay la socoto eedeymaha loo jeedinayo Ciidamo ka tirsan Howlgalka AMISOM , oo dad rayid ah ku dilay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale AMISOM ayaa sheegtay in ay waddo baaritaanno xoogan oo ay ku sameyneyso falkaas lagu eedeeyay Ciidamadooda.

Waxaana ay intaas ku dareen in si dhow baaritaankaas ay kala shaqeynayaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

AMISOM ayaa ballan qaaday in wixii ka soo baxa baaritaanadaas ay la wadaagi doonto shacabka iyo dowladda Soomaaliya , waxayna tacsi u dirtay ehellada dadkii ku geeriyooday dhacdadaas.

Maalin ka hor ayey ahayd markii Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi oo marayay inta u dhexeysa Ex Control Balcad iyo SOS Qarax lagula eegtay iyaguna ay ku jawaabeen tacshiirad xoogan oo dad rayid ah gallaafatay.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here