Aung San Suu Kyi oo ka baaqanaysa shirka Qaramada Midoobay

Aung San Suu Kyi ayaa lagu iideeyay in aysan si wanaagsan u maaraynin arrinta RohingyaAung San Suu Kyi ayaa lagu iideeyay in aysan si wanaagsan u maaraynin arrinta Rohingya

Hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa ka baaqanaysa shirka Gollaha loo dhanyahay ee Qarammada Midoobay ee toddobaadka soo socda dhacaya, iyada oo ay sare u sii kacayso dhaleecaynta loogu jeedinayo sida ay u maaraysay dhibaatada Rohingya.

Dad lagu qiyaasay 370,000 oo ruux oo ka mid ah Muslimiinta Rohingya ayaa u tallaabay xadka dalka Bangladesh tan iyo markii ay bishii hore sare u sii kaceen rabshadaha ka jira gobolka Rakhine ee dalka Myanmar.

Suu Kyi ayaa wajahaysa eedaymo kaga yimid taageereyaasheeda reer Galbeedka, kuwaas oo salka ku haya in aysan wayn ooga hadlin rabshadaha.

Milatariga Myanmar ayaa sheegay in ay la dagaalamayaan malayshiyo qawmiyadda Rohingya ah, wuxuuna diiday in uu bartilmaameedsanayo shacabka.

Qaxa Muslimiinta Rohingya oo dhaawacay sumcadda Aung San Suu Kyi

Zaw Htay oo ah Afhayeenka dawladda ayaa sheegay in Suu Kyi, aysan ka qaybgali doonin shirka Gollaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay oo ay khudbad ka jeedisay sannadkii hore, balse wax faahfaahin ah kuma uusan darin.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII