Baadigoobka markab la la’aa dalka Argentina oo la sii xoojiyay

Markabka ayaa la la'aa ilaa arbacadii
Markabka ayaa la la’aa ilaa arbacadii

Badmaaxayaasha dalka Argentina ee baadigoobka ugu jira markabkii Gujiska ahaa ee San Juan ayaa sheegay in ay arkeen astaan muujinaysa markaabkaasi la la’aa tan iyo Arbacada .

Markabka ayaa waxaa saarnaa 44 shaqaala ah islamarkana waxaa baadigoobka uu socday tan iyo arbacadii.

Waxa ay noqonaysaa astaantii ugu horeysay ee laga helay Gujiska oo maalmamihii la soo dhaafay dadaal loogu jiray sidii wax badan looga ogaan lahaa halka uu ku dambeeyay.

Saraakiisha Argentine ayaa sheegay inay heleen todobo wicitaan oo la rumeysan yahay in uu ka yimid dhanka saterlitka oo guula dareysatay taasi oo loo badinayo inay ka imaanayeen Markabka.

Kooxaha baadigoobka iyo samatabixinta shaqaalihii saarnaa markabka ayaa hoos u galay boqolaal kiiomitir gudaha badda iyagoo raadinaya tan iyo habeenkii khamiista.

Howlgalka ayaa waxa curyaamiyay mowjado xooggan iyo bada oo kacsaneyd.

Maraakiibta iyo diyaaradaha dalalka Brazila,Mareykanka iyo Uk ayaa gacan siinayay baadigoobka loogu jiro markabkan.

Ehalada shaqaalah markabka ayaa iyaga oo naxsan ka war sugaya baaritaanka iyaga oo ku sugan saldhiga, dekada Mar del Plata ee Argentine.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII