Bambo gacmeed caawa lagu weeraray Isgoyska Bakaaraha

0

 

 

 

 

 

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada holwadaag ee gobolka Banaadir, koox hubeysan ayaa caawa bambo gacmeed ku weerartay Isgoyska Bakaaraha.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay salaadii maqrib kadib inay jug xoogan ka maqleen dhanka isgoyska bakaaaraha kadibna ay xigtay rasaas badan oo ciidamada ay rideen.

sida la xaqiijiyay warkan, wuxuuna sheegay in bambo gacmeedkan uu ku dhaawacmay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah dhalinyaro ka ak dhawaa.

Ciidamada ammaanka ayaa caawa bilaabay baaritaano amni xaqiijin ah, waxayna ku daba jiraan raggii ka dambeeyay weerarkan, sida ay sheegeen saraakiil qaabilsan ammaanka.

Sidan oo kale bishii Ramadaan bartamaheeda waxaa bambo gacmeed lagu weeraray xarunta degmada Waaberi, xilligaasi waxaa ku dhaawacmay Hal askari.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here