Banaanbax lagu taageerayay Ilhaan Cumar oo ka dhacay Minnesota

0

 

 

 

 

 

Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka waxaa lagu qabtay dibadbax lagu taageerayay Ilhaan Cumar lagagana soo horjeeday madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Dibadbaxan ayaa ka dhashay markii Donald Trump uu bartiisa Twitter-ka ku baahiyay qoraal ay daabaceen koox xagjir ah oo Ilhaan Cumar ku eedeeyay in ay xiriir la leedahay kuwii weeraray Mareykanka sanadkii 2001dii.

Ilhaan ayaa sidoo kale wajaheysa hanjabaad dil ah oo ay u geysanayaan Kooxaha caddaannimada la weyntahay ee ka gows heysta Donald Trump.

Booliska Federaalka Mareykanka ayaa Magaalada Washington todobaadkii hore ku xiran Nin Ilhaan ka wacay Taleefan una sheegay in uu dilayo isaga oo intaas raaciyay in uu taageersan yahay Donald Trump.

Banaanbaxa lagu diiddanaa Trump iyi hanjabaadda ka dhanka ah Ilhaan ayaa waxaa hoggaaminayay Jeylani Xuseen oo ah Madaxa Hay’adda CAIRE ee Muslimiinta Mareykanka,waxaana uu sheegay in dadka gobolka ay u mideysanyihiin taageerada Ilhaan Cumar.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here