Bas iskuul oo labo u kala go’ay markii ay tareen isku dhacee

Footage of emergency vehicles at the scene of the crash

Tareen iyo bas iskuul ayaa isku dhacay iyaga oo maraya Perpignan oo ku taalla Koonfurta Faransiiska, ugu yaraan afar carruur ah ayaa ku dhimatay kuwo kale oo badanna dhaawac ayaa soo gaaray.

Lataaban ruux ayaa dhaawacantay 11 ka mid ah ayayna xaaladdoodu aad u liidataa, ka dib markii uu shilkani ka dhacay meel ay isku waydaartaan wadooyinka Millas iyo Saint-Féliu-d’Amont.

Baska ayaa waday arday ay da’doodu u dhaxaysay 13 iyo 17 sano oo uu ka soo qaaday iskuul aan ka fogayn meesha uu shilku ka dhacay.

Sawirrada goobta laga helay ayaa muujinaya baskii oo labo u kala go’ay.

Shirkadda tareennada ee SNCF ayaa sheegtay in ay dajisnaayeen waxyaabihii loogu talagalay in ay xanibaan baabuurta kale tilmaamayayna in tareenku uu meesha marayo, inkastoo aan arrintaas wali la xaqiijinin.

Baska ayaa marayay isgoyska marka uu shilku dhacay, waxaana la sheegay in si fiican wax loo arki karay.

Sawirro shilka laga soo qaaday ayaa muujinaya baska oo labo u kala go'aySawirro shilka laga soo qaaday ayaa muujinaya baska oo labo u kala go’ay

Qof goobjooge ah oo saarnaa tareenka ayaa barta l’Indépendant u sheegay in uu ahaa shil xun ayna oola muuqatay in tareenku uu khadka ka bixi doono.

Illaa 30 rakaab ah ayaa saarnaa markabka marka uu shilku dhacayay.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII