C/raxmaan C/shakuur ” Aniga iyo Farmaajo Waxaan qaban jirnay kulamo ka dhan ah maamulkii Madaxweyne Xasan”  

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan uu maanta ka qeyb  gali lahaa Magaalada Nairobi oo ay joojisay dowladda Kenya.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ah guddoomiyaha Xisbiga Wadajir, waxaana lagu waday in Xafladda la qabto  1: 00 Duhurnimo ee maanta kana dhici laheyd Fagaaraha Sir Cali Muslim Club oo ku yaalla Magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaa uu sheegay in dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ka dambeysay in kulankaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed in la joojiyo.

“Waxaan uga tacsiyeynayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee Kenya iyo taageerayashayda baaqashada ku timid kulankii soo dhowaynta ahaa ee maanta Nairobi ka dhici laaha” ayuu yiri Siyaasiga

Waxaa uu intaa ku daray hadalkiisa” Waxaa wax laga xumaado ah in maamulka Madaxweyne Farmaajo uu shaqo ka dhigtay bartilmaamsiga dadka ka aragtida duwan, gaar ahaan Xisbiga Wadajir. Waxaa xusuus mudan in aniga iyo Farmaajo sanad ka hor aan Nairobi ku qaban jirnay kulamo iyo olole siyaasadeed oo ka dhan ah maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh”

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII