C/weli Gaas “Puntland ma jirto cid u buuxin karta kaalinta Imaaraadka”

Gaas

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa shir jaraa’id oo ku qabtay xarunta ciidamada badda Puntland wuxuu sheegay in aanu waxba iska beddelin xiriirkii u dhexeeyey Puntland & Dowladda Imaaraadka, taas oo ka dambeysay markii todobaadkii hore ay soo shaac baxeen warar sheegaya in Puntland ay eriday saraakiil u dhashay dalka Imaaraadka.”Imaaraadku waxeey Puntland ka wadaan mashaariic malaayiin dollar ay ku kaceyso, mana jirto cid Puntland ay ku baddalaneyso” Ayuu yiri C/weli Gaas, isaga oo intaasi raaciyey in Imaaraadka ay ka wadahadleen in ay sii 2 jibaaraan xiriirka kala dhexeeya.

Hadalka Gaas ayaa u muuqanaya inuu yahay mid doc-faruur ku sameynaya go’aamada dowladda dhexe ee ku saabsan siyaasadda arrimaha dibedda, waxaanna suurtagal ah in kala hadalka Dowladda dhexe & maamul goboleedyada fursad siiyo faragelinta ay dalalka shisheeye ku hayaan Soomaaliya.

Dhinaca kale, aragtiyo kala duwan ayaa ka soo baxaya hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, waxaanna dadka qaar ay muujinayaan in Puntland mar walba ay doc-faruur ku sameyso Dowladda dhexe.

“C/weli Gaas ha ku dhawaaqo inuu Soomaaliya ka madax-bannaan yahay sida Somaliland oo kale,  haddii kale ha u hogaansamo awaamiirta dowladda dhexe, mar na wuxuu inoo sheegaa inuu ka shaqeynayo midnimada dalka, marna wuxuu dhaawacayaa midnimadii” Ayuu yiri C/qaadir Cali oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliya, oo aragtidiisa ka dhiibanayey hadalka ka soo yeeray Gaas.

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII