Ciidamada Dowladda oo xalay howlgal gaar ah ka sameeyay Muqdisho. – Mustaqbal Radio

0

 

 

 

 

 

 

 

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgalo qorsheysan ka sameeyay Xaafado kamid ah Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.

Sida ay Mustaqbal u sheegeen dadka deegaanka, ciidamada ayaa goobo fagaare ah isugu geeyay xaafadaha qaar, waxaana sidoo kale baaris qorsheysan ay ka sameynayo goobo ay bartilmaameedsanayeen.

Ciidamada Ammaanka Dowladda ayaa howlgalka bilaabay xalay fiidkii, waxaana uu socday saacado, sida dadka deegaanka Mustaqbal u sheegeen.

Boondheere ayaa tan iyo markii ay curatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan waxaa dhowr jeer howlgalo ka sameeyay Ciidamada ammaanka Dowladda, waxaana habeenadii lasoo dhaafay Maqaayad ku yaalla Degmada ay kala soo baxeen labo ruux oo la sheegay in lala xiriirinayo dilka shaqaale katirsanaa Wasaaradda amniga oo habeeno kahor isla degmada lagu dilay.

Askarta ayaa inta ay howlgalada wadaan waxa ay xiraan waddooyinka Xaafadaha ay ku sugan yihiin, waxaana fagaare ay isugu geeyaan dadka ay soo qabtaan oo ay ku kala saaraan.

Ma jiro war kasoo baxay Taliska Booliiska Soomaaliyeed oo ay ku faah-faahinayaan howlgalkii Xalay Ciidamada Ammaanka ay ka sameeyeen Degmada Boondheere.

Tan iyo markii ay bilatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan Ciidamada Ammaanka ayaa kordhiyay howlgalada ay sameynayaan Xiliyada Habeenkii

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here