Ciidamada Nabad-Sugida Koonfur Galbeed Oo Xilhibaano U Diiday Gelitaanka Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa dib ugu laabanaya xildhibaanada Koonfur Galbeed ee ka maqnaa Magaalada si ay uga qeyb galaan kulanka Baarlamanka ee 22 Bishaan lagu wado in uu ka furmo Magaalada Baydhabo.

Xildhibaan Amiin Maxamed Faarax, oo ka mid ah tiro xildhibaano ah oo Baydhabo tegay ayaa  sheegay in mudo Saacado ah lagu xanibay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Bydhabo.

Waxa uu sheegay in markii ay ka dageen Garoonka ay celiyaan in ay gudaha Magaalada galaan Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugida Maamulka koonfur Galbeed kuwaas oo amar ka heestay Madaxweyne Shariif sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa la weydiiyay Su’aal aheyd in arrintaan ay xiriir la leedahay xiisada Siyaasadeed ee dhalisay in Xildhibaanada qaarkood ay mooshin ka wadaan Shariifka ayaa waxa uu ku jawaabay.

“hadii xataa ay jirto mooshin aan wadno xaq miyaan u leenahay in Garoonka nagula xayiro waxan nahay xildhibaano xasanad leh, runtii Go’aanka aan qaadanay waan sii wadi doonaa ilaa koonfur Galbeed laga dhigo mid ka bedelan mid ka duwan sida ay hadda tahay ayuu yiri Xildhibaan Amiin Maxamed Faarax”

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII