Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Kenya oo qeybta ka ah howlgalka AMSIOM ay guud ahaan isaga baxeen saldhigyadii ay ku lahaayen demada Afmadow ee Gobolkaasi Jubbada Hoose.

Ilo wareedyo ku sugan degmada Afmadow  ayaa sheegay in gabi ahaan ciidanka Kenya ay faarujiyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen  halkaasi, islamaraana ay u jiheesteen dhanka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Lama oga sababaha rasmiga ah ee ciidamada dowladda Kenya ay uga baxeen saldhigyada ay ku lahaayeen Magaaladaasi.

Waxaana maalin ka hor sidoo kale ay ka baxeen deegaanka Tarako oo dhaca duleedka Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.