Ciidanka dowladda oo howlgal ka sameeyay Wado muhiim ah oo ku taalla Sh/hoose

0

 

 

 

 

 

 

Ciidanka Guutada 14-ka Oktoobar ee Xoogga Dalka ayaa Howlgalo qorsheysan ka fuliyay Wadada isku xirta Magaalada Marko, Nambar 50, Laanta Buure iyo Muure oo aan lamarin mudo ku dhow 7sano.

Howlgalkan ayaa ujeedkiisa ahaa furitaanka Wadadaasi oo Al-shabaab ay ku aaseen Miinooyin, taasi oo keentay in wadaasi isticmaalkeedu uu yaraado.

Inta uu Howlgalka socday ayaa waxaa lagu soo saaray dhowr Miino oo Al-shabaab wadada galiyeen waa sida hadalka loo dhigay.

Taliyaha Guutada 14 Oktoobar Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdi Cali Axmed (Gaashaan) oo howlgalka horkacayay ayaa Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in Wadada isku xirta Marko, Afgooye ilaa Muqdisho ay Howlgalo ay kasameeyeen ku guuleysteen haatana nadiif ay tahay islamarkaasna shacabka Soomaaliyeed ay si Nabad ah ugu safri karaan.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here