Ciidanka xoogga dalka oo soo qabtay Kooxo Isbaaro dhigtay

0

 

 

 

 

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gallo lagu qaadayay Jid gooyooyin yiillay degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose ka sameeyay Degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda.

Howl-galkan oo ay hor kacayeen Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jenaraal, Odowaa Yuusuf Raage iyo Saraakil kale ayaa lagu qaaday Isbaarooyin dhowra oo lagu dhibaateyn jiray Dadka Shacabka ah, iyagoo Gacanta kusoo dhigay Shan ka mid ah Kooxihii ay Jid-gooyada u tiillay iyo Hubkii ay wateen.

Taliye, Odowaa Yuusuf , ayaa sheegay in ay u taagan yihiin difaaca Dalka, isla markaana aysan u dulqaadan doonin in la dhibaateeyo Shacabka, waajibna uu ka saaran yahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here