Daacish oo Weerartay Saldhig ay Ku Shirayeen Saraakiil ka tirsan Puntland

Rag hubaysan oo loo maleeynayo inay ka tirsanyihiin Kooxda Daacish ayaa Maanta weerar ku qaaday saldhig Ciidamada Ammaanka ee Puntland ay ku leeyihiin gudaha buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari halkaa oo xalay illaa saaka ay ka taagneyd cabsi ku aaddan in dagaal uu ka qarxo.

Weerarka ayaa la sheegay in kooxdan qaadday ay dhawr jiho ka weerareen saldhigga ku yaalla Buuraleyda Galgala oo naloo xaqiijiyey in uu xilligaas ka socday kulan saraakiil iyo masuuliyiin ka mid ah Puntland ay kaga hadlayeen sidii loo qaadi lahaa duullaan ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish oo deegaanno ka mid ah G/Bari ku kordhinayey weerarada ka dhanka ah ciidanka Puntland.

Saddex Askari oo ka mid ah Ciidanka Maamulka Puntland iyo laba ka mid ah raggii weerarka ahaa ayaa ku geeriyooday dagaal weerarka kadib dhaxmaray labada dhinac tira intaa ka bandanna way ku dhaawacmeen iska hor imaadka Maanta ka dhacay Buuraleyda Galgala,sida ay  sheegeen Saraakiil ku sugan halkaa oo diiday inaan Magacooda iyo codkooda adeegsanno.

Masuuliyiin ka tirsan Puntland oo ay ku jiraan wasiirada Amniga iyo Ariamaha gudaha oo wata ciidan gurmad ah ayaa dagaal ka dib tagay deegaanka dagaalku ka dhacay oo ay kula kulmeen saraakiisha iyo ciidamada Puntland halkaa ka jooga.

Xaaladda ayaa hadda daggan waxaana deegaanka dib uga laabtay kooxihii weerarka soo qaaday oo Puntland ay xaqiijisay inay ka tirsanyihiin Kooxda Daacish,iyadoona deegaanka ay ku suganyihiin deegaankii dagaalku ka dhacay Ciidamada Puntland.

Dhageyso warka maanta  

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniileweb@gmail.com

TEL 00252618895064

English News
WARARKII