Dab xoogan Oo ka kacay kaam ku yaalla degmada Kaxda

0

 

 

 

 

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab xoogan oo saaka ka kacay xero barakac oo ku taalla waaxda 1-aad degmada Kaxda ee G/ Banaadir.

Dabka ayaa la sheegay in uu qabsaday Guryo oo cooshado ka sameysay oo ku yaalla Kaamkaasi.

Khasaare hantiyadeed ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhashay dabkan, walow aan la xaqiijin inta uu la’egyahay.

Ma cadda illaa iyo hadda waxa dhaliyay dabkaasi, balse waxaa lagu guuleystay in la damiyo.

Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhaceen.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here