Dad Shacab ah oo xalay lagu dilay duleedka Magaalada Muqdisho

0

 

 

 

 

 

Waarka an ka  heleyno deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaasi weerar ka dhacay lagu dilay dad la sheegay in ay ahayeen shacab.

Weerarka ayaa waxaa la sheega inay fuliyeen rag hubeysan,kdaib markii rasaas xoogan ay ku fureen gaari la socdeen dadkii shacabka ahaa ee weerarka lagu qaaday,waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku geeriyootay weerar,halka 2 kalena waa ay ku dhaawcmeen,waxaana dadka dhaawacmay haatan lagu dabiibayaa mid kamid ah Goobaha Caafimaadka eek u yaalla Magaalada Muqdisho.

Dad Goobjoogayaal ah oo la hadlay Dayniile ayaa u sheega in ragii ka dambeeyay weerar goobta ay si deg deg ah ay uga baxsadeen,waxaana xiliga uu falkaas ka dhacaayay gaariga la weeraray uu ku sugnaa Nawaaxiga fariisin Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho.

Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka Ceelasha biyaha ee Duleedka Muqdisho,waxaana halkaasi dhowr jeer oo horey lagu dilay dad shaacab ahaa.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here