Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Hoos Yimaado Maamulka Jubalaand

0

 

 

 

 

 

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ururka Al-Shabaab ay weerarku qaadeen saldhig Ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Kulbiyoow,waxaana goobjoogayayaal ay sheegeen in dagaal culus uu halkaasi ka dhacay

Dagaalka ayaa yimid kadib markii deegaanka Kulbiyoow oo ku yaalla xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ee Gobolkaasi ay ku dagaalameen Ciidamada Jubbaland  iyo Ururka Al-Shabaab dagaalka aya kusoo aaday xili maalmihi lasoo dhaafay axmed madoobe ku guda jiray kormeero dhinaca ciidmada .

Qaar ka Ttirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab,hayeeshee weli aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalkaas.

Sikastaba ha ahaate Al-Shabaab ayaa warar ay ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxaa ay sheegeen in weerarkaas ay ku dileen Saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada Jubbaland,balse waxaan weli ka hadlin sheegashada Al-Shabaab saraakiisha Ciidamada

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here