Dagaal Ka ka dhacey  Deegaanka Lambar Konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose

War goordhow soo baxay ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal u dhaxeeyo Ciidamada dowaldda iyo kuwa Amisom oo dhinac ah iyo Al-Shabaab uu ka dhacay deegaan lambar Konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa marka hore ku bilaawday tiro Madaafiic ah oo ay Al-Shabaab ku garaaceen Fariisinka Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda ee  lambar Konton taas oo markii dambe keentay in uu dagaal toos ah dhexmaro labada dhinac.

Al-Shabaab ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegayaan in ay degmada lambar Konton ka weerareen laba jiho oo kala ah Galbeedka iyo dhinaca Koonfureed ee degmada lambar Konton.

Dagaalka ayaa halkasi ka socday saacado lamana xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay maadaama ay tahay xili habeen ah.

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII