Dagaal Xoogan Oo Iminka Ka Socda Duleedka Degmada Balcad

War goordhawedy naga soo gaaray duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in haatan uu deegaano hoostaga degmadaasi uu ka socdo dagaal culus, una dhaxeeyo Xoogaga katirsan Xarakada Al-shabaab iyo Ciidamo katirsan kuwa Amisom ee gobalkaasi ka howlgala.

Dagaalkan ayaa waxa uu sigaar ah uga socda deegaanka haansheekh ee duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe, halkaasi oo dagaalyahano katirsan Al-shabaab ay weerar xoogan kusoo qaadeen Saldhig ciidamada Amisom ay ku lahayeen duleedka degmada Balcad ee Gobolka Sh/dhexe.

Wakiil wareedka idaacada Simba ee Gobolka Shabeellaha dhexe oo goordhaweyd nala soo xiriiray ayaa inoo sheegay in dagaalka uu yahay mid xoogan labada dhinacna ay is weedaarsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan, dagaalkana uu yahay mid xoogan oo aan lama xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi iminka ka soconaya duleedka degmada balcad ee gobalka Shabeellaha dhexe.

Dhanka kale wali wax war ah kama soo bixin Al-shabaab oo ku aadan dagaalkaan ka soconaya deegaanka hansheekh ee duleedka degmada balcad ee gobalka Shabeellaha dhexe.

Waxii kusoo kordha dagaalkaasi kala soco

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII