Dalka Iiran oo canbareyay dadkii looga dilay Soomaaliya

Afhayeen u hadlay wasiirka arrimaha dibadda Iran Bahram Qassemi ayaa cambaareeyay dalka Soomaaliya kadib markii xabado lagu furay Dooni dalkaasi ah oo mareysay xeebaha Soomaaliya, waxaa dhintay Kabtanka halka qaar kale dhaawacmeen.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran waxa ay si dhab ah ula socotay weerarka lagu qaaday Dooni Kalluumeysi oo Iran ay leedahay, waxaan si ah aad u cambaareyneynaa dhibaatada soo gaartay muwaadiniinteena.” Ayuu Bahram Qassemi u sheegay ISNA.

Sidoo kale Bahram Qassemi ayaa masuuliyiinta maamulka Puntland ugu baaqay in ay si wanaagsan ula dhaqmaan muwaadiniinta ka soo jeeda dalka Iran, oo ay ixtiraamaan bani’aadanimada.

Doonta ayaa mareysay xeebaha maamulka Puntland, sida uu sheegay Colonel Maxamed Cabdi Xaashi, doonta waxaa xabad lagu furay kadib markii ay sameysay amar-diido.
Todobaadkii hore ayey aheyd markii la sheegay in dad Iran u dhashay lagu dilay xeebaha Soomaaliya kadib howl-gal halkaasi laga sameeyay.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII