Deeganka Goleey Oo Qarax lagula eegtay Ciidamada AMISOM

0

 

 

 

 

 

 

 

 

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degaanka Gololey oo u dhaxeeya magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM ayaa caawa fiidkii waxaa qarax lagula halkaasi.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa uu qabsaday mid ka mid ah gaadiidka ciidanka AMISOM, sida ay ku warameen goobjoogayaal.
Ciidanka qaraxa lala eegtay oo ka yimid magaalada Jowhar ayaa waxa ay qaraxa kadib rideen rasaas fara badan oo loo maleynayo inay ku waxyeeloobeen dad shacab ah.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ciidanka AMISOM ka soo gaaray qaraxan, marka laga reebo gaariga ka gubtay.

Ciidamada AMISOM ayaa gaariga ka gubtay u jiitay dhanka degaanka Garasiin oo ay ku leeyihiin fariisin ciidan, waxayna halkaasi ka bilaabeen hawlgal amni xaqiijin ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen inay ku daba jiraan raggii weerarkan ka dambeeyay oo ay tilmaameen inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here