DEG DEG: Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo Ruux shacab ah ku dilay Muqdisho

0

 

 

 

 

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa Isgoyska Sanka ee Magaalada Muqdisho waxaa uu ku dilay Nin la sheegay in uu ahaa shacab.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dayniile yaa u sheegay in dilkan uu yimid kadib markii ay wada murmeen Askariga iyo Ninkii shacabka ahaa ee la dilay.

Sidoo kale waxa la sheegay in Ninka la dilay markii uu Askariga uu ula soo baxay Toorey uu watay isagoona la damcay in uu ku dhifto,hayeeshee uu rasaas qeybaha sare ee Jirkiisa uga dhuftay,isla markaana goobta uu ku geeriyooday.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in Ninkaas uu xanuunsanaa oo Maskax ahaan Bad qabin,isla markaana waxaa Meydkiisa goobta ka qaaday dad shacab ah oo halkaasi ka agdhawaa

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here