DEG DEG:- Mareykanka oo caawa Duqeyn ka fuliyay J/Hoose

Diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn ee Dowladda Mareykanka ayaa caawa Duqeyn ka fuliyay degaan hoosyimaada Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Duqeyntan ayaa waxaa si gaar ah loola beegsaday Saldhig ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen Degaanka Beer-xaani ee Gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Qeybta 43-aad ee Cidanka Xoogga dalka General Ismaaciil Saxardiid ayaa Idaacada Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in Duqeynta ay ka dhacday saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Degaanka Beer-xaani.

Sidoo kale General Saxardiid ayaa xaqiijiyay Duqeynta xilliga ay dhacaysay in saldhiga uu shir uga socday saraakiil ka tirsan Al-shabaabka ku sugan gobolka Jubbada Hoose.

Gen. Saxardiid ayaa sheegay Duqeyntan in lagu dilay Sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka Gobolka Jubbada Hoose iyo Sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa Zakawaadka ee Degaanka Beer-xaani, isaga oo sidoo kale tilmaamay in la dilay 15 Dagaalame oo ka tirsanaa Shabaab.

Duqeyntan oo ay amartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saraakiisha waxa ay sheegeen in ay soo bandhigi doonaan magacyada iyo sawirrada Shabaabka lagu dilay duqeynta.

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII