DEG DEG: Nabadoon Caan ah Oo Caawa Lagu Dilay Magalaada Boosaaso

0

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Caawa Fiidki  Nabadoon Caan ahaa ku dilay gudaha Magalaada Boosaso ee gobolka Bari.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Saciid maxamed Awaare, waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa Ergadii  ku soo dooratay Xildhibaanada matala K/ Bari ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya.

Qof ka tirsan deegaanka  oo la hadlay Shabakada dayniile ayaa sheegay in Raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee Maamulka Puntulaand oo ku aadan dilka Nabadoonkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa dalka soomaaliya Guud ahan kusoo badanaya Dilalka Loo geesanayo Nabadoonadii Ergada ahaa ee Soo doortay Xildhibanada Barlamaanka Soomaaliya ilaa haatan ma jiro wax amniga sugo Nabadoonada iyi Ergooyinka  soo doortay Xildhibanada.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here