DEG DEG: Qaraxyo lagu qabtay dowlad Degaanka Soomaalida ee Itoobiya

0

Ismaamulka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa la sheegay in ciidanka Ammaanka ay gacanta ku dhigeen Qaraxyo la doonaayay in ay lagu xasuuqo Shacabka ku dhaqan Magaalada Jigjiga.

Inkastoo qaraxyada ayaa u badnaa Miinooyin dhulka kagu aaso, waxaana la doonaayay in lagu weeraro xarumo ku yaalla Magaalada Jigjiga, sidda ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka booliska dowlad degaanka Soomaalida.

Sidoo kale Madaxa Booliska Maxamed Xasan ayaa sheegay in Qaraxyaddaan ay soo abaabuleen Mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkii Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ee Tallada si xoogga ah looga tuuray lana soo cadeyn doono dadka ku lugta leh falalkaan argagaxsnimada ah.

Sida la ogyahay Waxaa uu sheegay in ay gacanta ku hayaan xubno lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen Qaraxyadda, islamarkaana dhawaan Maxkamad lasoo taagi doono.

Sikastaba ha ahaate Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiiya Mustafe Cumar ayaa dhawaan shaaciyay in xubno ka tirsanaa maamulkii hore ay qaraxyo kasoo abaabulayaan Maamulada, Somaliland, Jubbaland iyo Puntland.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here