DEG DEG: Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska oo Muqdisho lagu toogtay

0

 

 

 

 

Koox hubeysan oo watay gaari nooca raaxadda ah ayaa Maanta ku dilay degmada Hodan gaar ahaan Xaafadda Barmuudo Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sidda ay dayniile u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka dilka ayaa dhacay xilli uu kasoo baxay Saldhig ay Ciidanka Booliska ku leeyihiin Xaafadda Barmuudo.

Sarkaalka la dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Canshuur waxaa uu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Booliska degmada Hodan ka howlgalla.

Kooxda dilka gaysatay, ayaa la sheegay inay wateen gaari yar oo nooca raaxada ah, kadibna ay ku baxsadeen markii ay dileen Sarkaalkaasi.

Al Shabaab ayaa muddooyinkaan dambe kordhiyay beegsiga iyo dilalka qorsheysan ee ay u gaysanayaan ciidamada ka tirsan dowladda Fedeeralka Soomaaliya.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here