Degmada Deeyniile oo laga Mamnuucay Gawaarida Xamuulka Qaada

Maamulka degmada Deeyniile ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya ay mamnuuceen Gawaarida waaweyn ee Xamuulka qaada in ay degmadaaas soo dhex maraan kuwaas oo ka yimaada qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.

Cabduweli Nuur Faarax,Gudoomiyaha Degmada Deeyniile  ayaa sheegay in Gebi ahaanba ay mamnuuceen in Gawaarida waaweyn ay soo maraan degmada deeyniile,kadib markii ay badatay in Gawaarida Waaweyn ee mararka qaar qaraxyada ka sameeya Muqdisho la sheego in ay deeyniile soo mareen.

Waxa uu sheegay in Gaarigii la arko ee Weyn isaga oo soomaraya degmada deeyniile ay geeyaan Ex Koontirool Afgooye,si baaritaano loogu sameeyo.

Isagoo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu sheegay in ka Maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ay ka Shaqeeyaan amniga degmada iyo Guud ahaan Gobolkaan Banaadi.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII