Dhaxal Sugaha Sucuudiga Oo Shaki Laga Muujiyay Inuu Nool Yahay

Dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga ayaa la sheegay inuu u geeryooday dhaawac soo gaaray, sida ay daabaceen qaar ka mid ah warbaahinta bariga dhexe.

Mohammed Bin Salman ayaa loo malaynayaa inuu u geeryooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerar 21-kii bishii April ka dhacay qasriga Madaxtooyada Riyaad.

32 sanno jirkaan ayaa warbaahinta laga waayay wixii ka dambeeyay weerarkii 21-kii bishii April dhacay, waana mida dhalisay muranka la xiriira inuu dhintay iyo in kale.

Warbaahinta Boqortooyadda Sucuudiga ayaa dhinacooda beeniyay, waxaana ay baahiyeen sawirro ay ku sheegayaan inuu ka qayb galay shir ka dhacay magaalada Riyaad.

Kasmaal Media

Dhageyso warka maanta  

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniileweb@gmail.com

TEL 00252618895064

English News
WARARKII