Dhul gariir hor leh oo ku dhuftay jasiirad ku taalla Indunisiya

0

Jasiiradda ku taalla dalka Indunisiya ee Lombok waxaa ku dhuftay dhul gariir kale oo xooggan kaddib markii labo toddobaad ka hor dhul gariir halkaasi ka dhacay ay ku dhinteen in ka badan 460 qof.

Dhulgariirka uu cabirkiisa gaarayay 6.3 cabirka dhulgariirada,inkastoo aanan lo ogaanin ilaa hadda khasaraaha uu dhaliyay.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in dhul gariirka laga dareemay deegannada ku yaalla bariga jasiiraddan islamarkaasna ay dad badan ka qaxeen halkaasi.

Saraakiisha ku sugan dalka Indunisiya waxay sheegayaan inay weli qiimaynayaan xaaladda.

Afahayeenka waaxda ka hortagga masiibooyinka Indunisiya Sutopo Purwo Nugroho wuxuu yiri ” Dhul gariirka wuxuu argagax ku riday dadka, wuxuu ku khasbay inay guryahooda ka cararaan”

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here