Dib dhac mar kale ku yimid Magacaabista Golaha Wasiirada Somalia

Dib u dhac ayaa ku yimid magacaabista Golaha Wasiirada Soomaaliya oo lagu waday in xalay lagu dhawaaqo.

Wariyeyaasha ayaa xalay laga wacay xarunta Madaxooyadda Soomaaliya ,iyadoona loo sheegay in la magacaabi doono Golaha Wasiirada , waxaana Goor dambe loo sheegay in dib dhac uu jiro ,islamarkaana loo baahday Wadatashiyo dheeraad ah.

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa lagu wadaa in uu maanta ku dhawaaqo Golaha Wasiirada.

Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax Seeko ayaa sheegay in Sababta keenaysa in Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya uusan wali soo magacaabin Golaha Wasiirada in ay tahay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo doonaya in ay noqdaan Wasiiro.

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII