Dil ka dhacay cawa Magaalada Muqdisho

Isgoyska Afarta Darjiin ee Magaalada Muqidsho waxaa goor dhow oo maqribnimadan ah lagu toogtay Qof, sida ay sheegeen dadka Degaanka.

Koox ku hubeysan Bastoolado oo la sheegay in ay wateen Mooto Bajaaj ayaa toogtay Ninkan, iyaga oo dhowr xabadood kaga dhuftay qeybta sare ee jirkiisa, kadib goobta ayay ka baxsadeen.

Dadka Degaanka ayaa ninka la dilay magaciisa waxa ay ku soo koobeen Amadi, Ciidanka ammaanka Dolwadda Fedeelaka ayaa wxaa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen Marxuumka la dilay.

Sidoo kale Ciidamada oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa waxa ay halkaasi ka wadaan Howlgallo lagu raadinayo raggii ka dambeeyay dilkan iyo Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan ka socda beegsiga lagu haayo Odayaasha soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka iyo Askarta Dowladda, waxaana inta badan dilalkooda dusha saarta Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo dhowaan kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada ayaa kala hadlay dilalka ka dhaca Muqdisho, wuxuuna ku amray in ay soo qabtaan ragga dilalka geysta ama ay xilalka iska casilaan.

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII