Diyaarad uu raaci lahaa Ra’isul Wasaare oo Shidaal lagu shubo loo waayay

0

Shirkada diyaaradda LAM Airlines ee dalka Mozambiik ayaa la kulantay fadeexad kadib markii Diyaarad uu raaci lahaa Ra’isul Wasaaraha dalkaasi safarkeeda u baaqday shidaal la’aan.

Diyaarada ayaa qorshuhu ahaa in ay raacaan Rakaab uu ku jiro Ra’isul Wasaaraha dalka Muzambik Carlos Agostiho do Rosario , waxa ayna diyaarada ka duuli laheyd magaalada Mabuto iyada oo kusii jeeday gobolka Niassa.

Ra’isul Wasaaraha Muzambik Carlos Agostiho do Rosario, saacado uu xayirnaa kadib markii dambe qaatay dayaarad ay ciidanka cirku Muzambik leeyihiin oo uu u adeegsaday socdaalkiisa rasmiga ah ee uu kaga ambabaxayey caasimadda.

Shirkada diyaaradda LAM ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa heestay mushaakil dhaqaale, waxaana shirkadihii shidaalka siin jiray Diyaaradaha Shirkadan diideen in Shidaal siiyaan iyagoo codsaday in la siiyo lacago horey shirkada ugu lahaayeen.

Guddiga maamulka dayaaradda LAM Airlines ee Mozambiik ayaa shaqadii laga eryey, waxa ayna Masuuliyiin katirsan Maamulka shirkada sheegeen in ay sii socon doono howlaha shaqo iyo duulimaadyada ay bixiyaan diyaaradaha shirkada LAM.

Shirkadan Diyaaradaheeda ayaa horey mudo lix sano ah looga mamnuucay in ay u safarto Wadamada Yurub, hasa ahaatee xayiraadaasi ayaa shirkada diyaaradaha LAM laga qaaday sanadkii hore.

 

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here