Dowlada Mareekanka Oo U Digtay Muwaadiniinteyda In ay U Safraan Dalka Soomaaliya

0

Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda in ay u safraan dalka Soomaaliya sababo la xaiira ammaankooda.

War ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibadda dalkaasi ayaa looga digay in xilligan ay u ambabaxaan Soomaaliya, iyadoona la sheegay in kala kulmi karaan weeraro Argagixiso iyo weliba Afduub.

Muwaadiniinta Mareykanka ayaa looga digay in ay tagaan guud ahaan Soomaaliya oo ay ka mid yihiin deegaanada Soomaaliland iyo Puntland oo la sheegay in ay ka jiraan jidgooyooyin sharci darro ah oo muwadiniintooda lagu dhibaateyn karo, haddii ay isticmaalan Waddooyinkaasi.

Sidoo kale muwaadiniinta Mareykanka ee haatan ku sugan Soomaaliya ayaa looga digay in ay ka agdhawaadaan goobaha ay dadka ku badan yihiin, halkaasi oo ay sheegeen in ay ka dhici karaan weeraro Argagixiso ah, sida hadalka loo dhigay.

Digniintan ayaa imaaneysa, xilli Al Shabaab Sabtidii ay weerar ku qaadeen xarunta Otto Otto oo ay dagan yihiin Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga ee Soomaaliya.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here