Dowlada Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Puntland

0

 

 

 

 

 

 

Dowladda Mareykanka ayaa war ka soo saartay duqeyn Habeen hore ka dhacday Gobolka Bari halkaas oo lagu diley Guddoomiye ku xigeenkii Ururka Daacish qeybtiisa Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarkii 14kii Bishan April ka dhacay Isku shuban uu ku dhintay C/Kariin Dhuqub oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka Daacishta ka dagaallanta Buuraleyda Galgala.

Gregg Olson, oo ah Madax Howlgalka Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashana kuwa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay weerarkaasi geysteen.

Waxaa War-saxaafadeed ka soo baxay Mareykanka lagu sheegay in ay sii wadayaan weerarrada ka dhanka ah AL-shabaab iyo Daacish kuwaas oo labadaba ka dagaallama Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uusan khasaare ka soo gaarin dad rayid ah, lagana gaaray ujeedadii laga lahaa.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here