Dowladda Itoobiya Oo Diyaarad Sida Dawooyin Soo Gaarsiisay Muqisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa Maanta soo gaartay diyaarad siday aawooyin kala duwan oo ka timid dalka Itoobiya taas dawooyinkaas oo loogu talo galay dadkii ku waxyeeloobay qarixii Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa Garoonka Diyaarada ku sugnaa oo isugu jira Xildhibaano iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaliya.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowziyo Abiikar Nuur ayaa Dowlada Utoobiya uga Mahadcelisay eeqdaan Dawada ah o ay ku taakuleysan Soomaliya iyo sida ay ula murugoodeen Shacabka Soomaaliyeed .

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaluiin Mustaf Cumar ayaa isna sheegay in Gargaarka uusan intaan ku ekaan doonin isla markaana Galabta Diyaarad kale ay imaan doonto Magaalada Muqdisho.
Dhageyso warka maanta  

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniileweb@gmail.com

TEL 00252618895064

English News
WARARKII