Dowladda Kenya oo Beenisay in uu xumaaday Xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa beenisay Warar soo baxayay maalmihi lasoo dhaafay oo ku saabsanaa in khilaaf diblumaasiyadeed uu soo kala dhex galay Dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la hubsado Wararka la sheegaayo ,isla markaana xiriirka ka dhaxeeya labadal uu wanaagsan yahay.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Booqashada Madaxweyne Kenya uu ku tagay Dhoobley ay tahay mid Caadi ah ,islamarkaana Madaxweynaha uu awood u leeyahay in uu booqdo Ciidankiisa.

Afhayeenka Madaxtooyadda Dalka Kenya, Manoah Esipisu ayaa sidoo kale tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo Booqasho rasmi ah uu ku imaan doono dalka Kenya.

” Wax dhibaato ah uma keenayso xiriirka labadal hadii uu booqday Madaxweynaha Kenya Xerada Ciidankeeno Joogaan waana arin iska caadi ah” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyadda.

Safarka Madaxweynaha ayuu ku sheegay in uu ahaa mid dhiiragelin ah.

Qaar ka mid ah Warbaahinta Kenya iyo sidoo kale Soomaaliya ayaa shalay Baahiyay in dowladda Soomaaliya ay ka carootay Booqashadii Madaxweynaha Kenya.

Qolka jacaylka iyo kaftanka wanaagsan

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII